Soomaali
Hadaad aaminsantahay in si aan sax ahayn laguula dhaqmay iyadoo
lagugu takooray sababahan:
-
jinsigaaga,
-
xaaladaada guur,
-
uur,
-
xaalad waalidnimo,
-
naas-nuujin,
-
da’,
-
qolo,
-
naafanimo,
-
fahamkaaga diineed,
-
aaminsanaan mabda’ siyaasadeed,
-
hawl midow ganacsi,
-
samayn hab jinsi qaanuunku ogolyahay,
-
ahaansho jinsi
-
qaab galmood
-
mas’uuliyad qoys
cadaalad daradaas ood kala kulantay:
- shaqadaada,
-
wax-barasho,
-
degaan,
-
inaad heshid alaab ama adeegyo (ama aad kala kulantay meelo
kale),
waxaad ka wacdaa Gudiga Ka Hortaga Midab-takoorka (Anti-Discrimination
Commission) 1300 130 670 si aad u heshid macluumaad dheeraad
ah.
Waxaan ku siin karnaa macluumaad la xiriira dhibaatayn galmood
(sexual harassment), iyo haday jirto ceebayn loo geeystay jinsi
,diin ama qaab galmood.
Waxaan haynaa qoraalo lagu diyaariyay Af-Soomaali.